Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyay in dacwad laga soo gudbiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#067 oo uu dhawaan kusoo baxay Taliyaha KMG ah ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey.
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada dadban ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee doorashadii uu kusoo baxay Yaasiin Fareey oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Waxaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal lagu wargeliyay hakinta Natiijada doorashada kursigaan ilaa inta Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada ay go’aan ka gaarayaan dacwadda laga soo gudbiyay kursigaas loo doortay Yaasiin Fareey.
Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay inay baaritaanka caddeymaha, dhageysiga dhinacyada ay khuseeyso dacwadda iyo Go’aanka kama dambeysta ay kusoo gaari doonaan muddo 7 maalmood.
Taliyaha KMG ah ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey ayaa dhawaan kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#067, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Waxaa arrintaasi hareer socday cabasho ay gudbiyaan qaar ka mid ah odayaasha saxiixayaasha.
Home Wararka Soomaaliya Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya oo shaaciyay in dacwad laga Soo gudbiyay...