Nin la waayay 5 bilood ka hor oo dib ugu soo laabtay qoyskiisa

0
530

Taimur Kariuki Xuseen, oo ka soo jeeda magaalada Watamu ee ismaamulka Kilifi oo la waayay bishii Lixaad ee sanadkan ayaa dib ugu soo laabtay qoyskiisa.
Waxaa sidatan xaqiijiyay xubno ka tirsan ehelkiisa.
39-sano jirkan ayaa la waayay 28-kii bishiii Juun ee sanadkan, ka dib markii ay soo daysay maxkamadda Kahawa ee magaalada Nairobi.
Waxaa gacanta horaan ku dhigay ciidamada qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) 11-kii bisha Lixaad, madaama ay ku eedeeyeen in uu diiday in la xiro.
Sidoo kale ciidamada ATPU ayaa kusoo oogay dambiyo la xiriiro argagixiso.
Walaashiis oo lagu magacaabo Fowsiya ayaa bogeeda Twitter-ka ku soo qortay in abaare 6-dii aroornimo ee shalay u soo wacay hooyadiis ka ddibna uu u sheegay inuu ku soo wajahan yahay guriga, islamarkaana xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.
Qoyskiisa ayaa sheegay in laga mamnuucay inuu waco qof ka tirsan ehelkiisa ilaa 14-kii bishii Lixaad ee sanadkan, xilligaasi oo maxkamad la soo taagay.
Waxaa uu sheegay inuu qabay dhawaacyo ay gaarsiyeen ciidamada qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU).
18-kii Juun ayay maxkamadda amartay in loo wareejiyo laanta ciidamada ATPU ee Nairobi si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.
21-kii isla bishaasi ayay maxkamadda amartay in dacwadda loo haysto eedeysanaha daaqadda laga tuuro, islamarkaana booliska la faray inay fasaxaan Xuseen.
Ka dib markii dacwaddiisa daaqadda ay ka tuurtay maxkamadda , Xuseen ayaa loo sheegay inuu dib ugu laabto ciidamada ATPU ka hor inta aan is rasmi ah loo dayn.
Qarenkiisa ayaa sheegay in hooyadiisa iyo walaashiis uu kula kulmayo xafiiska ciidamada ATPU-da ee Nairobi, Balse markii ay imaadeen loo sheegay in Xuseen la sii daayay 30 daqiiqo ka hor.
Qoyskiisa ayaa hasa ahaate sheegay inaysan ka dib arkin ama la hadlin markii ay ciidamada booliska sheegen inay fasaxeen.
Hooyadiisa oo lagu magacaabo Saynab Xuseen ayaa warbaahinta u sheegtay inay aad ugu riyaaqday soo laabashada wiilkeeda islamarkaana ay u mahadcelineyso Eebe.