Dadka qaadanaya shahaadada tallaalka Covid19 ee been abuurka ah oo loo digay

0
510

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa soo saartay digniin ku socota shakhsiyaadka qaadanaya shahaadooyinka tallaalka COVID19 ee been abuurka ah iyagoo isticmaalaya nidaamyo digital ah.
Bayaan uu soo saaray wasiirka wasaaraddda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayuu ku sheegay in tallaabo laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo dembigaasi.
Waxaa uuna sheegay inay ka war heleen dad doonaya inay qaataan shahaadooyiin been abuur ah ee ka dhan ah tallaalka CoronaVirus.
Wasiirka caafimaadka ayaa kenyaanka kula taliyay inay qadariyaan tallaalka oo aynan qiyaanin naftooda.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mutahi Kagwe ayaa maalmo ka hor sheegay in laga billaabo 21-ka bisha Diseembar aan adeegyada dowladda la siin doonin qof aan soo bandhigin caddeyn ah inuu qaatay dawooyinka tallaalka.