Tallaal dheeraad oo ka dhan ah COVID19 oo dalka la keenay

0
350

Waxaa dalka la soo gaarsiiyay 834,130 oo ah tallaalka cudurka COVID-19 nooca loo yaqaano Pfizer gelinkii dambe ee shalay iyadoo diyaaraddii siday tallaalkaasi ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Dowladda Maraykanka ayaa Kenya ugu deeqday tallaalkan si sare loogu qaado dagaalka ka dhanka ah cudurka.
Waxaa tallaalkan guddoomay sarkaalka wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dekaddaha ee gagida diyaaradaha caalamiga ee JKIA Mr. Benjamin Murkomen.
Daawooyinkan ayaa kaalin wayn ka qaadan doono xoojinta dadaalka ay dowladda dhexe ugu jirto in dhammaadka sanadkan caabuqa corona laga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo qof.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa haatan isku diyaarinaysa inay siiso tallaalka Covid-19, gaar ahaan nooca loo yaqaano Pfizer dhallinyarada ay da’doodu u dhexeyso 12 ilaa 18 sano.
Waxaa ka faa’iidaysanaya qiyaastii 5.7 milyan oo qof.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku talisay in tallaalka Pfizer la siin karo wixii ka wayn 12 sano
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa toddobaadkii hore sheegay inay muhiim tahay in la tallaalo da’yarta si loo yareeyo fursadaha ay ku gudbin karaan fayraska.
Waxaa uu xusay in barnaamijka tallaalka Covid-19 uu marayo meel wanaagsan oo laga fikiri karo in tallaalka la gaarsiiyo dhammaan kenyaanka., maadaama wadanka u filayo inuu helo 8 milyan oo kale oo tallaalo kala duwan oo ah Covid19.