Agaasimihii ciidanka PSF-ta ee Puntland oo lagu amray inuu xilka wareejiyo

0
310

Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka hadlay tallaabada uu Agaasimihii Ciidanka PSF-ta Puntland Maxamuud Cismaan Diyaano ku diiday inuu xilka ku wareejiyo, ka dib xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni.
Taliye Yaasiin Dheere oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in xilligaan Boosaaso aysan u baahneynin xiisad iyo Colaad, islamarkaana ka codsaday inuu si nabad ah ku wareejiyo xilka.
Waxaa uu xusay in Ciidanka PSF-ta Puntland aysan ahayn Ciidan uu qof leeyahay oo yihiin Ciidan maamul.
Waxaa uuna Maxamuud Cismaan Diyaano ka dalbaday inuu xilka ku wareejiyo Agaasimaha cusub ee la magacaabay.
Taliye Yaasiin Cumar Dheere ayaa caddeeyay in Maamulka diyaar u ahayn xilligaan Colaad iyo xiisad dagaal laga abuuro Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, loona baahan yahay in si nabad ah arrinta ku dhammaato.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo isna warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Boosaaso u tageen xil wareejinta Agaasimaha cusub ee PSF, hayeeshee weli aysan arrintaas suurta-gelin.
“Dhammaan Ciidamada PSF ee Boosaaso jooga waxa la farayaa in aysan xerada kasoo bixin, gadiidkana sidoo kale, Xilku waa meerto, Maxamuud Cismaan waxaan leeyahay yaan dhallinyaranimo ku qaadin, Anagu waxaan u dhaaranay difaaca Puntland, cidna ka yeeli mayno in ay Amniga Khalkhal geliso” ayuu yiri Wasiir Cabdisamad Gallan.

Agaasimihii Ciidanka PSF-ta Puntland Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa ka horyimid xilka qaadistii uu dhawaan ku sameeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagoona ku tilmaamay mid sharci darro ah.