Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa ka wada hadlay arrimaha isbeddelka ku yimaado cimillada.
Labadan mas’uul ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la sii xoojiyo cilaaqaadka ka dhexeya dalalkooda ee ku dhisan mabaadi’ida dimuqraadiyadeed.
Madaxdan oo khadka taleefoonka ku wada xiriiray ayaa sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay inay ka wada shaqeyaan la dagaalanka cudurka COVID-19, argagixisada iyo dib u nooleynta dhaqaalaha caalamka.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha India ayaa soo dhaweeyay in Biden uu niyad u hayo la tacaalidda saameynta isbeddelka ku yimaado cimillada iyo dib ugu biiridda heshiiskii Paris ee uu Donald Trump ka baxay sanadkii 2017-kii.