Madaxa waaxda garsoorka ee dalka Martha Koome ayaa gaashaanka u daruurtay dhaliilo ay dhawaan u jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga UDA.
Hoggaamiyeyaasha ayaa Koome ka dalbaday inay iska casisho xilka guddoomiyaha guddiga iskudhafka ah ee qaabilsan u diyaar garowga doorashada guud ee sanadka 2022-ka maadaama ay ku tuhmayaan inaysan dhexdhexaad ka noqon karin geeddisocodka codeynta.
Haweeneydan ayaa sheegtay in xeerka guddiga adeegga garsoorka ee JSC uu awood dastuuri ah u siinaya inay isku xirto hay’adaha dowladda.
Waxay sheegtay in ka qayb qaadashada arrimaha doorashada ay ka mid tahay waajibaadkeeda maadaama ay hoggaamiso waax u xilsaaran xaqiijinta cadaaladda.
Sidoo kale waxaa madaxa cadaaladda dalka difaacay xoghayaha guud ee daladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli iyo wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga oo labaduba sheegay inay gudanayso waajibaadkeeda sidaas awgeedna aan siyaasiyiinta looga baahneyn inay soo farageliyaan.
Martha Koome ayaa xilli ay hadal ka jeedisay shirka dowlad wadaajinta ee maanta lagu soo gabagabeynaya ismaamulka Makueni waxay kenyaanka ugu baaqday inay difaacaan nidaamka dowlad wadaajinta iyo madax banaanida garsoorka.
UDA ayaa sidoo kale horay u dalbatay in wasiirrada arrimaha gudaha , isgaarsiinta iyo gaashaandhigga ee kala ah Fred Matiang’i , Joe Mucheru iyo Eugene Wamalwa ay joojiyaan u ololeynta musharrax madaxweyne.