DHAGEYSO:Wasaaradda arrimaha gudaha oo sheegtay in boqolkiiba 30 ee miisaaniyadda ay ku xalliso dagaal beeleedyada

0
300

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in boqolkiiba 30 ee miisaaniyadeeda ay u adeegsato wax ka qabashada isku dhacyada bulshada.
Dagaalladan ayaa salka ku haya gaabadka dhanka biyaha , daaqa iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa culeysyada jira u aaneeyay isbeddel ku yimid cimillada.
Xilli uu hadal ka jeediyay shirka dowlad wadaajinta ee ka socdo ismaamulka Makueni ayuu Matiang’i hoosta ka xarriiqay in haddii aan lala tacaalin isbeddelka cimillada ay dowladdu danta ku qasbi doonto inay dhaqaale u qoondeyso maareynta isku dhacyada.
Wasiirka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la is weydiiyo sida isbeddelka cimillada uu u saameeyo xasiloonida wadanka gaar ahaan xilliyada ay jiraan musiibooyinka ay abaartu ka midka tahay.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay amni darrada ku soo noqnoqotay ismaamullada Baringo iyo Laikipia isagoo ku taliyay in laga baaraan dego sida mustaqbalka loo kordhin karo miisaaniyadda dhaqaale ee lagu xallinaya caqabadaha taagan.
Fred Matiang’i ayaa dhanka kale guddoomiyeyaasha xaafadaha ama tuulooyinka iyo ku xigeenadooda ku boorriyay inay ka hor tagaan dagaal beeleedyada .
Wasiirka oo ka qayb galay munaasabad lagu dallacsiinayay Wilson Mpapayo oo ah guddoomiyaha sare ee tuulada Ntashat ee ismaamulka Kajiado ayaa sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay dallacsiin u ballanqaadeyso mas’uulkii waajibaadkiisa sida habboon uga soo baxa.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in marnaba aynan saameyn ku yeelan doonin hanjabaado iyo cadaadis kaga imaanaya siyaasiyiin oo ku aaddan in deegaano kale loo wareejiyo qaar ka mid ah saraakiisha maamulka .
Matiang’i ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan faragelin doonin shaqada mas’uul kasta oo si ay daacadnimo ku dheehan tahay ugu adeegaya dalka .
Mr. Mpapayo ayaa lagu ammaanay kaalinta uu ka qaatay soo afjaridda dhaca xoolaha iyo iskudhacyada bulshada ee ismaamullada Kajiado iyo Kiambu.