Ciidanka daraawiishta Puntland oo howgalo ka filiysy buuraleeyda gobolka Bari

0
295

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xalay xilli dambe gaaray saldhiga weyn ee degaanka Sugurre kadib markii ay soo banneeyeen Ciidanka PSF-ta Puntland.
Ciidankaas oo u badan kuwo laga keenay Gobolka Mudug ayaa sida wararku sheegayaan isku fidiyay dhammaan goobihii ay ka soo baxeen Ciidanka PSF oo ka gadooday xilka qaadis lagu sameeyay Agaasimahoodii.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada Daraawiishta Puntland ay bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, isla markaana dhamaan ay isku fidiyeen Xeryaha Ciidamada ee degaanka Sugurre ee Gobolka Bari.
Degaanka ay Ciidamada Daraawiishta Pungland la wareegeen ee Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis waxaa saldhig weyn ku lahaa Ciidanka PSF oo halkaas ka fulin jiray weeraro lagu beegsado dagaallamayaasha Al-Shabaab.
Dhanka kale deegaano ka mid ah Gobolka Nugaal ayaa la geeyay Ciidamo dheeraad ah oo loogu talo galay sugida Amniga doorashooyinka iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, kuwaasoo dhawaan tababar loogu soo xiray Magaalada Qardho
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Xuseen Cali Maxamuud ayaa faray Ciidamada inay isku diyaariyaan gudashada waajibaadkooda, la dagaalanka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish oo mararka qaar weeraro ka fuliyo degaano ka tirsan Gobolka Mudug.
Taliyaha sheegay in mararka qaar rag kamid ah Ciidamada ay ka qeyb qaataan in qeybo kamid ah Gobolka Nugaal la soo geliyo maandooriyaha khamriga ee laga keeno dalka Itoobiya, wuxuuna sheegay in askarigii lagu qabto la saari doono Maxkamadda Ciidamada Puntland.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Xuseen Cali Maxamuud wuxuu Ciidamada ugu baaqay inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada, isla markaana si wanaagsan ugu Shaqeeyaan.
Warkaan kasoo yeeray Booliska Gobolka Nugaal ayaa kusoo aadaya xilli puntland todobaadyadii la soo dhaafay soo bandhigeysay rag ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaatay weerarkii Xabsiga Boosaaso, kuwaasoo dagaal lagu qabtay.