DHAGEYSO:Duqii hore ee Mandera oo ku baaqay in laga wada hadlo dhibaatooyinka tacliinta ee waqooyi bari

0
771

Maxamad Kaahiye Cismaan oo ku magacdheer Xaaji Buullow oo ka mid ah waxgaradka ismaamulka Mandera ayaa soo jeediyay in madaxda siyaasadeed iyo shacabka gobolka waqooyi bari ay ka tashadaan caqabadaha la xiriira arrimaha waxbarashada ee gobolka ka jiro.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tacliinta ay tahay mid aad muhiim u ah marka la eego horumarka bulshada .
Siyaasiyiinta ayuu kula taliyay in aynan xilligan ku mashquulin loolanka siyaasadeed ee ku aaddan doorashada guud ee sanadka 2022-ka balse ay diiradda saaraan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka waxbarasho ee jiro

Xaaji Buullow ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. Gorge Magoha ka codsaday in ay tagaan ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera si ay u soo u fahmaan cabashooyinka bulshada ee dhanka tacliinta