Irungu Kang’ata oo laga qaaday xil uu ka hayay aqalka sare

0
766

Hoggaanka xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa xilkii madaxa nidaamka ee aqalka sare ka xayuubiyay Irungu Kang’ata oo sidoo kale ah senatarka ismaamulka Murang’a.
Waxaa go’aankan shaaciyay xoghayaha guud ee Jubilee Mr. Raphael Tuju oo sheegay in senatarka uu ku xadgudbay xeerarka xisbiga.
Waxaa uu xusay in Mr. Irungu uu xaq u lahaa warqadii uu u qoray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta balse uu ku qaldamay qaabkii uu ugu gudbiyay.
Mr. Tuju ayaa hoosta ka xarriiqay in senatarka Murang’a horay fursad loogu siiyo inuu faahfaahin ka bixiyo tallaabadii uu qaaday balse uu ku guuldareystay in uu kulankaas iska soo xaadiriyo.
Kang’ata ayaa warqadii uu qoray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ugu sheegay in geeddisocodka sharci beddelka ee BBI uunan taageero buuxda ku lahayn ismaamullada gobolka bartamaha dalka.
Senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Mr. Kipchumba Murkomen ayaa dhankiisa sheegay in xilka qaadista dhigiisa Murang’a aan loo marin qaabka habboon.
Waxaa uu ku andacoonayaa in aan la haleelin tirada siyaasiyiinta Jubilee ee ku filan in senatarka laga qaado xilkii uu aqalka sare ka hayay.
Mr. Murkomen ayaa intaa ku daray in galinka dambe ee maanta ay suuragal tahay in guddoomiyaha aqalka senate-ka Ken Lusaka uu ansaxiyo go’aanka maanta ka soo baxay hoggaanka Jubilee.
Xilka hoggaamiyaha nidaamka ee aqalka sare ee Jubilee oo laga qaaday Irungu Kang’ata ayaa la filayaa in lagu wareejiyo dhigiisa Kiambu Kimani Wamatangi.
Mr. Kang’ata oo warbaahinta la hadlay ayaa senatarrada kale uga mahadceliyay kalsoonidii ay u muujiyeen intii uu xilkan hayay.
Waxaa uu wacad ku maray in uunan marnaba ka daali doonin in uu runta ka sheego xaaladaha dhabta ah ee dalka ka jiro.
Senatarka ayaa xusay in warqadii uu u qoray madaxweyne Uhuru Kenyatta uunan cidna ku aflagadeyn oo xita uu ku soo bandhigay waxyaabo uu u arkay in ay xal u yihiin qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa uu tilmaamay in ay la yaab tahay sida uu hadalka u dhigay in xil looga qaado maxaad uga run sheegtay hannaanka BBI iyo taageerada la xiriirta.
Shalay ayay ahayd markii xisbiga Jubilee uu meesha ka saaray xubinimada 6 siyaasi oo si magacaabid ah ku galay aqalka sare waxayna kala yihiin Millicent Omanga, Isaac Mwaura, Naomi Waqo, Mary Seneta, Victor Prengeei iyo Falxada Deeqoow.
Siyaasiyiintan oo taabacsan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu eedeyay in ay hareer mareen xeerarka xisbiga.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju ayaa sheegay in guddiga qaran ee xisbiga maamulo ee (NMC) ay u soo baxday in senetaradan ay ku xad gudbeen farqada 13-aad ee dastuurka Jubilee.
Mr. Raphael Tuju ayaa dhanka kale sheegay in aqalka senetka iyo guddiga diiwangelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka in loo gudbiyay magacyada senetaradaasi islamarkaana xilalka ay hayeen lagala laabtay oo aysan si hayni karin ama ka sii mid ahaan karin senetarro u soo magacaabay xisbiga Jubilee.
Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa wacad ku maray inuu talaabo anshax marin ah ka qaadi doono sharci dajiyayaasha wax u dhimaya hoggaaminta xisbigaasi.
Millicent Omanga oo ka mid ah senetarada xilka laga qaaday ayaa barteeda rasmiga eeTuwitarka ku sheegtay in aysan wali xiriir rasmi oo ku saabsan xilka qaadisteeda aysan ka helin xisbigaasi.
Dhanka kale senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ayaa boggiisa baraha bulshada ku xaqiijiyay in lagu casuumay kulanka u shir guddomin doono hoggaamiyaha ugu sarreya dalka ahna madaxa xisbiga Jubilee.
Waxaa u su’aal ka keenay cidda laga saarayo hoggaanka aqalka Senate-ka ee xisbigaasi.
Sanadkii hore ayay ahayd markii xisbiga Jubilee uu yeeshay kulan baarlamaani ah oo xilalkii ay hayeen looga xayuubiyay qaar ka mid ah xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Madaxdan waxaa ka mid ahaa senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen iyo Susan Kihika oo laga soo doortay Nakuru.