Mudanihii horay baarlamaanka ugu matali jiray dadweynaha ku nool deegaanka waqooyiga ismaamulka Laikipia Mathew Lempurkel ayaa maxkamadda geeyay dacwad racfaan ah.
Waxaa uu doonayaa in ay maxkamadda meesha ka saarto xukun ah inuu muddo hal sano xabsiga ku jiro ka dib markii lagu helay inuu ku xadgudbay xildhibaanadda deegaankaasi Sarah Korere.
Lempurkel ayaa haweeneydan dharbaaxay 21-kii bishii November ee sanadkii 2016-kii xilli ay labaduba ku sugnaayeen xafiiska wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee dalka Joseph Nkaissery .
5-tii bishan ayay ahayd markii garsoore Hellen Onkwani ay mas’uulkan hore ku xukuntay xabsi hal sano ah iyadoo aynan u furnayn in ganaax lacageed uu bixiyo.
Hasa ahaate qareenka u doodaya Lempurkel oo lagu magacaabo Saitabao Kanchori ayaa ku andacoonaya in maxkamadda ay khalad sameysay xilligii ay xukunka xarigga ah soo saareysay.
Waxaa uu sheegaya in Sarah Korere oo ay maxkamaddu ku sheegtay dhibane ay iyada gardarro sameysay taasoo keentay xadgudubka.
Mathew Lempurkel ayaa hadda doonaya in damiin lacageed lagu siidaayo inta laga soo afjarayo dhageysiga racfaanka uu gudbiyay.