Dignin: Duufaan laga cabsi qabo inay ku dhufato gobollo ka tirsan Puntland

0
244

24-ka saac ee soo socota ayaa waxaa laga cabsi qabaa in duufaan xooggan ay ku dhufato qaar kamid ah gobollada Bari ee Maamulka Puntland, taas oo saameyn wayn reebi karta.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in duufaantaas laga cabsi qabo inay ku dhufato degaannada, Caluula, Xaafuun iyo isku shuban.
Dhamaan degaannada laga cabsi qabo inay duufaanta ku dhufto ayaa waxaa ay ka tirsan yihiin gobollada Bari, Gardafuu, Karkaar iyo Nugaal, waxana ay yihiin kuwo deegaan xeebeedyo ah.
Horay degaanno ka tirsan Mamulka Puntland waxaa ka dhacay duufaano ay ka mid yihiin Pawan 2019 iyo Gati 2020, waxaana ka dhashay dhibatooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here