Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in dalka galay xaalad bini’aadamnimo oo degdeg ah ka dib abaaro daba dheeraaday oo ku dhuftay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
Waxaa uu guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada Soomaaliya, isagoo sheegay in abaarta xilligaan dalka ka jirta ay tahay mid aan caadi ahayn.
Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah si aysan u sii daba dheeraan.
Guddi gaar ah oo horay uu ra’iisul wasaaruhu ugu magacaabay inay ka soo warbixiyaan xaaladda abaarta ayuu sheegay in warbixinta ay la wadaageen ay tahay mid aan marnaba indhaha laga qarsan Karin.
Waxaa uu ganacsatada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka socda si loo samatabixiyo dadka Soomaaliyeed iyo duunyadooda.
Abaarta ku dhufatay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ayaa noqotay mid sii daba dheeraanaysa sidoo kalena QM ayaa sheegtay in xilli roobaadka xiga ay suuragal tahay in deegaano badan oo dalka Soomaaliya gobolladiisa ka mid ah uunan u da’in roobabkii la filayay taasoo xaaladda hadda taagan ugu sii dari karta.
Waxaa ayna dhalisay in dowladda Soomaaliya ay qaylo dhaan u dirto deeq bixiyeyaasha, ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan qaybaha bulshada si loo badbaadiyo dadka Soomaaliyeed ee reer guuraaga ugu horeeyaan kuwaas oo si gaar ah ay abaartu u saamaysay maadaama deegaano badan oo Soomaaliya ka tirsan ay xoolihii abaartu marisay sidoo kale deegaanada qaar dadku gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan.