Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb-galo Shir Madaxeedka dalalka xubnaha ka ah ururka COMESA oo ah dallad ay ku midoobeen 21 dal oo ka tirsan Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Shirkan ayaa waxaa marti geliyey dalka Masar , madaxweyne Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaana ka mid ah hoggaamiyaasha kulanka kaga qayb gelaya aaladda Zoomka ee Khadka Internetka.
Shirka COMESA oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ay madaxdu uga hadli doonaan xaaladda gobolka gaar ahaan dagaalada Itoobiya ka socda , dibadbaxyada Suudaan ee ka dhashay afgembigii militari ee bishii hore iyo arrimo kale oo ku saabsan gobolka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya, sida amniga iyo doorashooyinka socda.