Boqolaal qof oo mudaharaadeyaal ah ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen banaanka hore ee aqalka cad ee magaalada Washington iyagoo muujinaya sida ay u taageersan yihiin dowladda Itoobiya islamarkaana waxay canbaareeyeen siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka oo loo arkayo inay la dhacsan yihiin fallaagada dagaalka kula jirta xukuumada Adis ababa.
Dadkaan ayaa watay boorar ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed waxayna si adag u canbaareeyeen cunaqabataynta uu Maraykanku saaray dalka Itoobiya iyo wadanka kale ee dariska ah ee Eritrea taasoo ay ku sheegeen inay ra’iisul wasaare Abiy ku qasbayeen inuu dalka u gacan galiyo kuwo ay ku tilmaameen inay gardarro wadaan oo ay ula jeedeen kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta dowlada dhexe ee Itoobiya.
Bannaan baxayaasha ayaa sheegay inaysan ahayn in dowladda Maraykanka ay soo farageliso dalka Itoobiya oo aynan ka dhigin sida wadamada Suuriya iyo Afghanistaan.