DHAGEYSO:Gudiga doorashada Galmudug oo hal maalin ku kordhiyay mudada isdiiwaangalinta

0
297

Guddiga Doorashada maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa hal maalin oo dheeri ah ku daray mudada la isku diiwaangelinayo 5-ta kursi oo horey loo shaaciyey in dhawaan dhuusamareeb lagu dooranayo, iyadoo is Diiwaangelinta ku egtahay 23-ka November oo bari ku beegan.
Ilaa iyo hadda 5-ta kursi ee doorashadoodu dhaceyso ayaa waxaa iska diiwaangeliyey 14 musharax oo qaarkood kursta horay ugu fadhiyay iyo kuwo ku cusub Siyaasadda.
Waxaana sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb Maanta tababar loogu soo xiray qaar kamid ah ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka gaar ahaan kursiga HOP#026 oo ay u sharaan yihiin xubno uu kamid yahay Yuusuf Geelle Ugaas oo iska soo casilay kursigii aqalka sare ee bishii sideedaad loo doortay.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magaalada dhuusamareeb ka daahfuray Shir weynaha Amniga maamulkaasi.
Shirka oo ay kasoo qeyb galeen qaar ka mid ah golaha Wasiirada oo ay ugu horreyso Wasaaradda Amniga, dhamaan saraakiisha ciidamada Qalabka sida, Gudoomiyaha maxkamada sare iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa amaanka deegaanada Galmudug looga hadlay.
Shirkaan ayaa socon doona muddo 2 maalmood ah waxaana diiradda lagu saari doona amniga guud ee Galmudug, amniga doorashooyinka iyo arrimaha garsoorka iyo cadaaladda.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa uga mahad celiya saraakiisha Ciidamada kala duwan & AMISOM sida ay u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee ka saaran amniga degaannada maamulkaasi.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dhamaan Hay’adaha Garsoorka ee degaannada Galmudug ay si wanaagsan u Shaqeeyaan, wuxuuna ka dalbaday inay dar dar geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada.
Wasiiru dowlaha amaniga Galmudug ayaa sheegay in ujeedada shirkaani tahay sugida amaanka doorashada iyo wadashaqaynta hay’adaha amaanka sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inaysan jiri wax ka muhiimsan amniga, wuxuuna qiray in falal amni darro ay ka dhacaan Galmudug,balse muhiimadu ay tahay in wax laga qabto dambi kasta oo ka dhaca deegaanada maamulkaas, isagoo u kala qaaday in dambiyada ay yihiin kuwo laga hortagi karo iyo kuwo laga daba tagi karo.

Kulankaan looga hadlayo Amniga Galmudug oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya xilli degaano ka tirsan Galmudug ay ka dhacaan falal amni darro oo qaarkood ay fuliyaan Al-Shabaab iyo Colaad beeleedyo ku soo lalaabtay.