Kenyaanka aan qaadan tallaalka COVID19 oo laga xayiraya adeegyada muhiimka ah

0
490

Dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo ololaha tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaciyay in cidii aan qaadan dawooyinka tallaalka laga hor istaagi doono inay raacaan gaadiidka dadweynaha ama ay wax ka cunaan maqaayadaha.
Amarkan ayaa dhaqangeli doono 21-ka bisha 12-aad ee Diseembar sanadkan 2021-ka.
Wasiir Kagwe ayaa sidoo kale sheegay in dadka aan iska tallaalin corona laga xayiri doono adeegyada maamulka canshuuraha wadanka ee (KRA), maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka waddooyinka ee (NTSA),waxbarashada, isbitaallada , socdaalka, dekadda ,goobaha madadaalada ,booqashada maxaabiista iyo waaxyaha la midka ah.
Marka la gaaro 21-ka Diseembar, qof kasta oo doonaya adeeg dowladeed ayaa laga dalban doonaa inuu soo bandhigo caddeyn muujinaysa inuu qaatay tallaalka.
Wasiirka ayaa xusay in amarkan lagu saleeyay xeerka caafimaadka dadweynaha ee Public Health Act kaasoo wasaaradda awood u siinaya inay qaado tallaabooyin adag gaar ahaan marka uu jiro cudur faafaya.
Mr. Kagwe waxaa uu tilmaamay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in la badbaadiyo shaqaalaha dowladda iyo adeeg bixiyeyaasha isagoo sida uu hadalka u dhigay howlwadeeno qaatay tallaalka aynan noloshoodu halis u gelinayn inay adeegaan shakhsiyaad iska diiday tallaalka.
Wasiirka ayaa sheegay in sharciga dalka lagu maamulo uu yahay mid cad oo aynan maxkamaduhu qof tallaalka qaatay ku qasbi karin inuu la macaamilo qof aan cudurka iska tallaalin.
Wasaaradda ayaa sheegtay in sababta sare loogu qaadayo tallaalka ay tahay in la isku furo dhaqaalaha wadanka oo laga gudbo dadka la dhigaya isbitaallada ama lagu daryeelaya guriyaha.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Najiib Balala ayaa sheegay in dadka aan cudurka COVID19 laga tallaalin loo oggolaan doonin seeraha qaran iyo meelaha sida gaarka ah loo ilaaliyo.
Balala ayaa hoosta ka xarriiqay in maadaama bisha 12-aad ay jiraan dabaal degyo, la doonayo in laga hor tago isqaadsiinta cudurka.
Cid kasta oo ka shaqeysa gaadiidka noocyadiisa kala duwan sida baabuurta , mootooyinka iyo diyaaradaha ayaa laga doonaya inay qaadato tallaalka oo ayna mar kasta sidato shahaadada muujinaysa in qofkaasi cudurka laga tallaalay.
Goobaha ganacsiga kuwa yaryar ama dhexdhexaadka ah ee maalintii u adeega 50 qof iyo wax ka badan waxaa looga baahan yahay inay soo bandhigaan astaan dadka ku wargelinaysa in halkaasi uunan geli karin qof aan corona iska tallaalin.
Isku imaatinnada aan lagu qaban bannaanada waxaa ka qayb geli karo saddex meelood labo meel tirada dadka ee ay goobtaasi qaadi karto iyadoo cid kasta oo ka qayb galaysa laga dalbanaya caddeyn ah inay qaadatay tallaalka.
Dadka howlaha booqashada ama dalxiiska uga imaanaya wadamada qaaradda Yurub waa qasab in si buuxda looga tallaalay cudurka oo ayna caddeyn soo bandhigaan ka hor inta aan loo oggolaan inay wadanka soo galaan.
Kenya ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay laga diiwaangelinayay xaaladaha maalinlaha ee COVID19 oo hooseeya.
Isqaadsiinta cudurka ee 14-kii cisho ee ugu dambeeyay ayaa u dhexeysay boqolkiiba 0.8 ilaa 2.6.
Hasa ahaate wasiirka caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in kiisaska yaraaday aynan ka dhignayn in la is dhigto oo la dabaal dego.