DHAGEYSO:Puntland oo dib u dajin u samaysay dadkii Soomaaliland soo barakicisay

0
421

Qaar badan oo ka mid ah dadkii Soomaaliland ka soo barakicisay magaalada Laasacaanood ee Gobolka Soool ayaa waxaa maanta dib u dajin looga sameeyay deegaan ka tirsan gobolka Mudug.
Dadkaan oo ilaa markii ay Soomaaliland ka soo raaftay gobolka Sool ku sugnaa deegaannada maamulka Puntland ayaa maanta la geeyay deegaanka jeexdin oo hoos yimaada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxaa ay Mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee maamulka Puntland ay sheegeen in dadkaas lagu wareejiyay dhul iyo guryo ay milki u leeyihiin.

Qaar ka mid ah dadka Jeexdin lagu soo dhaweeyay ayaa dhankooda maamulka Puntland iyo shacabka deegaanka Jeexdin waxay uga mahadceliyeen dib u dajinta loo sameeyay.