DHAGEYSO:2 qof oo ku dhimatay shilal ka dhacay Kirinyaga

0
416

Labo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil kala duwan oo gelinkii dambe ee shalay iyo saaka ka dhacay waddooyinka xiriiriya Makutano-Sagana iyo Kagio-Kutus ee ismaamulka Kirinyaga.
Shilka ugu horreeyay oo laga soo tabiyay inta u dhexeysa Makutano iyo Sagana ayaa waxaa ku nafwaayay qof da’ dhexaad ahaa oo uu jiiray gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda kaasoo ka ambabaxay magaalada Nairobi.
Wakiilka deegaanka hoose ee Mutithi ee ismaamulka Kirinyaga Peter Njomo oo ahaa goobjoogaha shilka ayaa sheegay in shilku uu dhacay abaare 9-kii fiidnimo ee xalay.
Njomo ayaa intaasi ku daray in qofka uu isla goobta ku dhintay iyadoo uunan jirin rakaab dhaawacmay.
Wakiilka ayaa xusay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay in 6 qof ay ku dhinteen waddada wayn ee xiriirisa Makutano iyo Sagana isagoo gaadiidleyda ka codsaday inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.
Shilka labaad ayaa saaka ka dhacay goobta ganacsi ee Kimicha oo ku taalla waddada u dhexeysa degmooyinka Kagio iyo Kutus.
Shilkan ayaa yimid ka dib markii baabuur siday rooti uu darawalkii kaxeynayay xakameyn waayay ka dibna ku dhacay dhugdhugleey.
Wadihii mootada ayaa isla goobta ku nafwaayay .
Meydadka labada qof ee shilalka ku geeriyooday ayaa la dhigay goobta meydadka ee isbitaalka magaalada Kerugoya .
Dhanka kale waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada afar qof iyo dhaawac dhan labo ka dib shil xalay ka dhacay ismaamulka Narok.
Shilka oo la soo tabiyay abaare 7-dii fiidnimo ee xalay ayaa u dhexeyay afar baabuur ah.
Waxaa uu ka dhacay meel u dhow aagga loo yaqaano Maltauro ee waddada wayn ee xiriirisa Narok iyo Mai Mahiu meel qiyaastii 40 kiilomitir u jirta magaalada Narok.
Goobjooge lagu magacaabo Benson Mutua ayaa laga soo xigtay in shilka uu yimid ka dib markii mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo si xowli ah u socday uu darawalkii kaxeynayay xakameyn waayay taasoo keentay inuu gaari kale ku dhaco waxaana ka dhashay dab qabsaday labo baabuur oo kale oo ah kuwa yaryar.
Dhaawaca ayaa lagu daweeynayaa isbitaalka wayn ee dowlad deegaanka Narok waxayna dhakhaatiirtu sheegeen in xaaladda labada qof ee shilka ku dhaawacmay aynan liidan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii 6 qof ay ku dhinteen shil isla goobtaasi ka dhacay waxayna shacabka waaxda gaadiidka ka codsadeen inay arrintan wax ka qabato.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ee la xusuusto nolosha dadka ku nafwaayay shilalka.