Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxii xalay lagu dilay Cabdicaisis Afrika

0
422

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo xalay lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka daljirka Daahsoon.
Weerarkaas ayaa sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay agaasimihii teleefishinka qaranka Soomaaliyeed Sharmaarke Maxamad Warsame oo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus.
Bayaan lagu daabacay warbaahinta faafisa wararka Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay dilka Cabdicasiis Afrika in loogu aarguday rag badan oo katirsanaa Alshabaab, oo uu kamid yahay Xasan Xanafi.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa camiliyad ishtish-haadi ah, waxayna xuseen in ay muddo dheer ku raad joogeen sidii ay mar un u soo afjari lahaayeen nolashiisa.
Alshabaab waxay si cad ugu goodiyeen in ay bartilmaameedsan doonaan cid kasta oo wax ka sheegta nidaamkooda.