Aggaasimihii hore ee Raadiyo Muqdisho, Cabdulcasiis Maxamuud Guuleed (Afrika), ayaa ku dhintey qarax lala beegsadey baabuur uu sitay, oo ka dhacey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa uu dhaawac xun soo gaarey aggaasimaha Telefishinka Qaranka, Sharmaake Warsame.
Waxay labadda nin saarnaayeen gaari, waxaana la aaminsan yahay in waxyaabaha qarxa loogu xiray gaariga, meel u dhaw makhaayad mashquul badan, oo ku taalla agagaarka Godka Jilicow.