Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa maanta lagu wadaa in ololihiisa doorashada geeya ismaamulka Trans Nzoia.
Madaxda siyaasadeed ee dowlad deegaankaasi ee taagersan Mr. Odinga ayaa lagu wadaa inay halkaas ku qaabilaan.
Waxaa uu halkaasi u tagayaa si uu ula hadlo dadweynaha ismaamulkaasi, waxayna tani qayb ka tahay xoojintiisa hiigsiga mideynta bulshada ka hor inta uunan 9-ka bisha Diseembar shaacin musharraxnimadiisa.
Waxaa la filayaa inuu isku soo baxyo siyaasadeed ku qabto Sibanga, Maili Saba, Kolongolo, Endebbes, iyo Matisi ee ka tirsan ismaamulka Trans Nzoia.
Ka dib waxa uu socdaalkiisa ku soo afmeeri doonaa isu soo baxyo waawayn oo ka dhici doona magaalada Kitale iyo Kiminini.