Rw Rooble oo ka baaqday safar uu maanta ku tegi lahaa magaalada Garoowe

0
278

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah lagu waday inuu safar ku tego Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, hayeeshee waxaa uu ka baaqday.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni ku wargeliyay in uusan Maanta tegi karin Garoowe.
Lama oga sababta keentay in Ra’iisul Wasaaraha ka baaqdo safarkii uu ku aadi lahaa Caasimadda Puntland, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta Rooble ee ku saabsan baaqashadiisa.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmad Madoobe oo toddobaad ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa inuu isna Maanta ka ambabaxa Magaaladaas, isagoona ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ka dib baaqsashada safarka Rooble.
Axmad Madoobe ayaa la filayay inuu shalay aado Kismaayo, hayeeshee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday in aysan kala tigin, si ay u yeeshaan saddexdooda kulamo looga hadlayo doorashada Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa weli ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, isagoona halkaas kulamo kala duwan kula yeeshay Madaxweyne Axmad Qoorqoor, Odayaasha dhaqanka iyo Guddiga doorashada Galmudug.