Ila wareedyo ka tirsan dowladda India ayaa laga soo xigtay in maamulka wadankaas hoggaamiyo uu barta lagu wada xiriiro ee Twittar-ka ka dalbatay inuu tirtiro 1,178 oo akoonno ah.
Waxay India ku andacoonaysaa in barahan laga taageero dhanka Pakistan ama ay adeegsadaan kooxo beer-jileec u muujiyo dhaqdhaqaaa gooni u goosaska ee Sikh.
Wasaaradda tiknolojiyadda ee India ayaa codsigan maanta shaaca ka qaadday.
Hasa ahaate maamulka barta Twitter ayaan weli oggolaan ama diidin soo jeedinta kaga timid dowladda India.