7 ka mid ah ciidamada dalka Azerbaijan oo la dilay

0
579

Waxaa lagu soo warramayaa in la dilay toddobo ka mid ah ciidamada ammaanka ee dalka Azerbaijani halka toban kalena la dhaawacay ka dib dagaal ka dhacay xadka wadankaasi uu la wadaago Armenia.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasaaradda difaaca ee dalka Azerbaijan.
Dhanka Armenia waxaa laga dilay hal sarkaal iyadoo 13 kalena laga qafaashay waxaana aynan weli meel ku ogeyn 24 askari.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Armenia ayaa laga soo xigtay in militariga Azerbaijan uu rasaas ku furay saldhigyadooda.
Dowladda Azerbaijan ayaa dhankeeda Armenia ku eedeysay daandaansi aad u wayn.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka labada dhinac uu istaagay ka dib markii wasiirka difaaca ee dalka Ruushka Sergei Shoigu uu khadka taleefoonka kula hadlay dhigiisa Armenia iyo Azerbaijan.