Maxaa ka jiro in rw Rooble uu la kulmaya hoggaanka Ahlusunna?

0
332

Ka dib markii Baraha Bulshada lagu faafiyay saacadihii la soo dhaafay in ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble uu la kulmaya madaxda Ahlusunna ayaa arrinkaasi beenisay Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaaladda ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan u qorsheysneyn la kulanka hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca.
“Ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble qorshaha uu u tagay Dhuusamareeb kuma jirto in uu wadahadal la galo Ahlu-sunnada hubeysan ayuu yiri” Wasiir Alcadaala.
Xubno kamid ah hoggaanka Ahlusunna ayaa waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud, waxaana dhawaan fashilmay wada hadallo lagu dhex dhexaadinayay, iyaga iyo Maamulka Galmudug.