Suxufi u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Danny Fenster ayaa xabsi wadanka Myanmar ku yaalla laga soo siidaayay saddex cisho oo uu xirnaa ka dib markii lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.
Wariyaha ayaa lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay sharciga la dagaalanka aragagixisada sidoo kalena uu kacdoon dadweyne sameeyay.
Siidayntiisa waxaa xaqiijiyay wakiilka Maraykanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexaysa iyo wargeyskii uu ka shaqeyn jiray.
Bill Richardson oo ah diblomaasi hore oo Maraykan ah ayaa maanta sheegay in Fenster laga siidaayay xabsiga Myanmar dhawaana uu dalkiisa tagi doono isagoo wadanka Qatar sii maraya.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu siidaynta wariyaha kala soo xaajooday Myanmar ka dib markii uu dhawaan booqday dalkaas oo uu kulan fool ka fool ah la qaatay sarreeye guuuto Min Aung Hlaina oo ah taliyaha ciidanka milatariga ee Myanmar maamulo.