DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay in Kenya ay u baahan tahay isbeddel dhaqaale

0
333

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay degmada Mpeketoni ee ismaamulka Lamu ayaa sheegay in Kenya horumar lagu gaarsiin karo isbeddel dhaqaale oo la sameeyo.
Waxaa uu kenyaanka uga digay inay hoggaanka wadanka iyo meel u dhow ku aaminaan madax uu ku tuhmayo musuqmaasuq balse uunan magacdhawin.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in hadda la joogo xilliga kacdoonka saddexaad ee dalka oo uu ku sheegay kacdoon dhaqaale si loo cirib tiro saboolnimada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa soo hadal qaaday waxyaabo ka mid ah qorshihiisa siyaasadeed sida in garoon diyaaradeed oo caalami ah laga dhisi doono Lamu in kastoo ilaa iyo hadda uunan Odinga si rasmi ah u shaacin musharraxnimadiisa.