Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof. Anyang’ Nyong’o ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 20 xubnood oo ka shaqeyn doono sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa in ka badan 3,000 oo qof oo dhawaan hooy la’aan noqday.
Tani ayaa timid ka dib markii guriyo ay degganayeen lagu burburiyay xaafadaha Kibos iyo Bandani .
Waxaa howlgalkaas sameysay waaxda qaabilsan adeegga tareennada dalka oo sheegtay in dadkan ay degganayeen marin waddo.
Prof .Nyong’o ayaa sidoo kale sheegay in guddigan uu dib u dhisi doono masjid halkaas laga dumiyay.
Barasaabka Kisumu ayaa sheegay in xarun caafimaad oo ku meel gaar ah loo dhisay qoysaskan sidoo kalena uu deeq bixiyaasha ka codsaday inay soo gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ee hooyga iyo cuntada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in uu shirkadda biyaha ee Kisumu ku amray in ay qoyaskan hooy la’aanta noqday u soo xiriiriso adeegga biyaha.
Prof .Nyong’o ayaa xusay in uu ka xumaaday go’aankii lagu burburiyay guriyaha qoysaska iyadoo aan lagala tashan dowladda ismaamulka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgallo guriyo dumin ah sidoo kale laga sameeyay xaafadda Muhoroni.
Waxaa uu ku celceliyay in 10 ka mid ah xubnaha guddiga la soo magacaabay ay matalayaan dadka ay dhibaatadu soo gaartay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu garab taagan yahay qoysaska howlgalka ku barakacay