Xuutiyiinta Yemen oo la wareegay magaalada dekedda ee Xudeydah

0
421

Ciidamada daacadda u ah dowladda Yemen ee uu caalamku aqoonsan yahay ayaa lagu soo warramayaa inay isaga baxeen magaalada dekedda leh ee Xudeydah, taasoo u oggolaatay kooxda Xuutiyiinta inay dib u qabsadaan fariisimo muhiim ah oo halkaas ku yaalla, sida ay sheegeen saraakiisha Yemen iyo qaramada midoobay.
Dagaalyahannada isku dhafka ah ee dowladda taageera, ayaa waxaa aas-aasay islamarkaana maalgalinayay dowaldda isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa gelinkii dambe ee maalinka Jimcaha ay ciidamadooda dib u dejiyeen meel ka baxsan Xudeydah.
Waxay tallaabadaasi u sababeeyeen in halkaas ay ka jirto heshiis xabbad joojin ah tan iyo sanadkii 2018-kii.
Howlgalka qaramada midoobay ee xabad joojinta ka wada dalka Yemen ayaa sheegay in aan lagu wargelin in ciidamada dowladda ay isga baxeen magaalada Xudeydah.
Sabtidii shalay ayay ahayd markii saraakiisha ammaanka iyo dadka deegaanka ay sheegeen in Xuuthiyiintu ay xireen tobanaan qof oo ay ku eedeeyeen in ay dowladda taageersan yihiin.
Dhanka kale, ciidamada kale ee taageersan dowladda ee ku haray magaalada Xudeydah ayaa iska caabiyay weerar ay Xuutiyiinta ku soo qaadeen koonfurta magaaladaasi, sida ay saraakiishu sheegeen.
Wararka ayaa intaa ku daray in ugu yaraan saddex sarkaal oo dowladda taageersan oo uu ku jiro taliyihii goobtaasi la dilay.