Dowladda oo dhakhaatiirta siinaysa tababar ku saabsan cudurka macaanka

0
290

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa lagu wadaa inay sanadka soo socdo daahfurto barnaamij tababar ah oo ay ka faa’iidaysanayaan dhakhaatiirta.
Tababarka oo laga fulin doono guud ahaan wadanka muddo shan sano ah ayaa howlwadeenada lagu fahansiinayaa ka hor tagga xanuunka macaanka , maareyntiisa iyo daweeyntiisa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo heerka cudurkan ee gudaha dalka uu hadda yahay boqolkiiba 3.3
Sarkaalka qaabilsan barnaamijyada qaran ee cudurrada aan sida tooska ah la isugu gudbin ee loo yaqaano (NCDs) ,Zecharia Ndegwa ayaa sheegay in hal milyan oo dad waawayn iyo 20,000 oo carruur ah ay qabaan xanuunka macaanka ama sokorowga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in caqabadaha la xiriira ka hor tagga iyo maareynta cudurka macaanka ay ka mid tahay warar aan sax ahayn oo laga sheego xaaladdan caafimaad.