Ciidamada ilaalada xeebaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa howlgal ay sameeyeen waxay sheegeen inay ku qabteen Markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayay aaga xeebta degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Markabka ay qabteen Ciidamada Xeebaha Galmudug ayaa waxaa ka tagnaa calanka dowladda Shiinaha sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Badda Maamulkaas.
Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo Cabdiraxmaan Cali Diblaawe ayaa sheegay in markabka ay saaranaayeen 17 Kalluumeysato u dhashay dalalka Shiinaha, indonesia iyo India.
Waxaa uu intaasi ku daray in Markabkaan Kalluumeeysi ay muddo ku raad joogeen, islamarkaana uu dhibaatooyin kala duwan u geystay Doonyo ay leeyihiin Kalluumeysato Soomaali ah.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo ayaa sheegay inay sii soconayaan howlgallada ka dhanka ah Maraakiibta Shisheeye ee Kalluumeysiga Sharci darrada ah ka wada Xeebaha Gobolka Mudug.
Howlgalkan Markabkaan lagu soo qabtay ayaa kusoo aadaya xilli Kalluumeysatada gobolka mudug ay ka cabanayeen Maraakiib Shisheeye oo xaaluf ku haaya Xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo mararka qaar ay kala kulmi jireen dhibaatooyin kala duwan.