Maxkamad ku taalla ismaamulka Garissa ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday nin 23 sano jir ah, ka dib markii wiil 6 sano jir ah uu ku dhex faraxumeeyay masjid gudihiisa.
Ninkan ayaa la sheegay inuu mu’aadin ka ahaa masjid ku yaalla xaafadda buula Mediina ee magaalada Garissa.
Sida laga soo xigtay waaxda dacwad soo oogidda dalka ee ODPP, maxkamadda xukun soo saartay ayaa sheegtay in wiilkan yar ee dhibaatada loo gaystay uu ahaa arday wax ka baranayay mid ka mid ah goobaha diinta lagu barto ee madaarista.
Ninka kufsiga gaystay oo magaciisa lagu sheegay Aadan ayaa wiilka yar ku siray nacnac, islamarkaana uga digay inuusan cidna u sheegin falka uu kula kacay.
Maxkamadda ayaa intaa ku dartay in ilmaha aan qaan-gaarin ay soo food saartay dhibaato dhanka xaaja gudashada ama saxarada ka dib markii la faraxumeeyay.
Wixii qodobkan kasoo kordho halkan kala soco