Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada labo kursi oo ka mid ah Aqalka Sare, kuwaasoo dhawaan uu shaaciyay liiskooda Madaxweynaha maamulkaasi.
Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dooran doona Musharraxiinta labada Kursi ee ugu dambeeyay ee Aqalka Sare.
Waxaa lagu waddaa in doorashada maanta dhaceysa ay kusoo baxaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Cabdi Cismaan Xareed maadaama labada shakhsi ee la tartamaysa ay horay u ahayn musharraxiin ayna yihiin malxiisiiyiintii lagu yaqaanay doorashada.
Labadan kursi ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare ee dalka Soomaaliya iyadoo horay loo dhameystiray doorashada 52 kursi.