Maxkamadda sare oo diiday inay laasho digniin cas oo Miguna Miguna ka hor istaageyso inuu dalka dib ugu soo laabto 

0
490

Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday in bixiso amar lagu fududeynaya in dalka dib ugu soo laabto qareenka labada mar wadanka laga tarxiilay ee Miguna Miguna.
Waxaa amarka diidmada ah soo saartay garsoore Hedwig Ongudi.
Mr. Miguna ayaa maxkamadda sare u gudbiyay codsi ah inay meesha ka saarto digniin uu sheegay inay ka hor istaageyso in Kenya uu ku soo noqdo.
Waxaa uu doonayay in daaqadda laga tuuro digniinta cas oo ay dowladda Kenya siisay laba shirkadood oo diyaaradeed oo kala ah Lufthansa German Airlines iyo Air France, kuwaas oo la filayay inay 16-ka bishaan soo caga dhigtaan gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA iyaga oo sida qareen Miguna Miguna.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday codsiga Miguna , iyadoo xustay inaysan isku haleyn karin wararka la isla dhexmarayo ee ku aaddan in dowladda Kenya ay digniin cas siisay laba diyaaradood oo dalka dib ugu soo celin lahaa qareenka.
Waxaa ay maxkamaddu sheegtay in dacwadda loo soo gudbiyay iyadoo aan wax caddeyn ah la hayn, sidaas darteedna ay laashay.
Garsooraha xukunkan soo saartay ayaa dhanka kale sheegtay in Miguna Miguna ay ahayd inuu caddeeyo jiritaanka digniinta cas ee ka hor istaageyso inuu dalka dib ugu soo laabto.
Dacwadda uu Miguna Miguna geeyay maxkamadda sare isaga oo wakiilanaya qareenka caanka ah Dr. John Khaminwa, ayuu sheegay in digniinta cas ee dowladda ay soo saartay aysan suurogelineyn inuu dalka soo galo.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kihara Kariuki, wasiiradda wasaraadda arrimaha dibadda Raychelle Omamo, agaasimaha guud ee hay’adda duulista hawada ee dalka Gilbert Kibe, ku simaha maareeyaha maamulka garoomada diyaaradaha ee Kenya Alex Gitari iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Mating’i ayaa laga doonaya inay ka soo jawaaban codsiga uu dalka dib ugu soo laabanayo Miguna Miguna.
Bishii hore ayaa ahayd markii madaxii hore ee cadaaladda ee dalka Willy Mutunga uu ku dhawaaqay inuu u duulayo caasimadda wadanka Canada ee Toronto bishan si uu dalka dib ugu soo celiyo garyaqaanka 3 sano ka hor dalka laga masaafuriyay .
Waxaa uu Mutunga cambaareeyay go’aan maxkamadda sare ee dalka ka soo baxay oo ku aaddan dib ugu soo laabashada dalka ee qareenka.