Laamaha ammaanka ee dalka oo heegan sare la geliyay

0
666

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa waaxyaha kala duwan ee qaabilsan arrimaha amniga ku amray inay feejignaan sare muujiyaan.
Waxaa uu u soo jeediyay inay sare u qaadaan howlaha kormeerka guud ahaan dalka.
Mr. Kenyatta ayaa arrinkan u aaneeyay falal amni darro oo ka jiro qaybo ka mid ah gobolka.
Madaxweynaha ayaa amarkan bixiyay xilli golaha qaran ee ammaanka uu shir yeeshay sida laga soo xigtay afhayeenka madaxtooyada wadanka ee State House Kanze Dena Mararo.
Mr. Kenyatta ayaa horay dhinacyada ku dagaallamaya gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Itoobiya ku boorriyay inay colaadda joojiyaan.