Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa beeniyay in isaga ama xisbiga uu hoggaamiyo uu ka dambeeyay rabshado shalay laga soo tabiyay dowlad deegaanka Kisumu xilli uu halkaasi ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inuusan doonayn inuu qayb ka noqdo dacaayad siyaasadeed.
Waxaa uu xusay in William Ruto uu yahay muwaadin xaq u leh inuu socdaal ku tago qayb kasta oo ka mid ah wadanka si uu shacabka uga dhaadhiciyo ajeendihiisa siyaasadeed.
Raila ayaa intaasi ku daray in ka hor socdaalkii Ruto ee Kisumu, laanta xisbiga ODM ee ismaamulkaasi ay soo saartay bayaan ah in madaxweyne ku xigeenka wadanka uu xor u yahay inuu yimaado oo uu codbixiyeyaasha la hadlo.
Hadalka Raila ayaa yimid ka dib markii uu shalay hoggaamiyaha labaad ee wadanka William Ruto uu si toos ah ula xiriiriyay qalalaase ay sameyeen dhallinyaro dhagaxaan ku tuuray kolonyo baabuur ah oo uu la socday.
Booliska dalka ayaa rabshadihii shalay ka dhacay xaafadda Kondole ee magaalada Kisumu u aaneeyay iskudhac dhex maray dhallinyaro ku heshiin waayay lacago uu bixiyay madaxweyne ku xigeenka wadanka hasa ahaate waxaa tani beeniyay afhayeenka xafiiska William Ruto David Mugonyi.
Raila Odinga iyo qaar ka mid ah xulafada siyaasadeed ee William Ruto ayaa ciidamada ammaanka ka dalbaday inay sameyaan baaritaano qoto dheer si loo xaqiijiyo oo tallaabo looga qaado cidii ka dambeysay rabshadihii shalay ee Kisumu.
Dhanka kale madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa beeniyay inuu jiro iskuday siyaasiyiinta isbeheysiga OKA ee kala ah Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka , Gideon Moi iyo Moses Wetangula lagu cadaadinayo inay isaga taageeraan sanadka 2022-ka