Diiwaangalinta musharaxiinta aqalka sare oo dhuusamareeb ka bilaabanaysa

0
223

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay ka billaabato diiwaangelinta musharixiinta labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Galmudug.
Guddiga doorashooyinka Heer maamul Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta ilaa beri samayn doona diiwaangelinta, xaqiijinta iyo Shahaado siinta Musharrixiinta labada kursi ee maamulkaas aqalka sare uga harsan, halka Sabtiga soo socda la qabanayo doorashada.
labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Galmudug oo ah kuwii ugu dambeeyay Aqalka Sare ayaa waxaa u sharaxan Afar musharrax oo ku tartami doona, kuwaasoo kala ah.
1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kursigan horay ugu fadhiyay oo uu la tartami doono
Cawil Nuur Cali
2. Cabdi Cismaan xareed
Mahad Aadan Guuleed oo ayaguna kursiga labaad ku tartamaya.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan wafdi ka kooban Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo guddiga xalinta khilaafaadka si ay goobjoog uga noqdaan doorashada labada kursi ee Aqalka Sare ee sabtida ka dhacaysa dhuusamareeb.