Wasaaradda waxbarashada oo meesha ka saartay kharashaad uu gobolka Banaadir kusoo rogay ardayda

0
461

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa go’aamo ka soo saartay cabashooyin kaga yimid hay’adaha Waxbarashada Gobolka Banaadir, iyada la baabi’iyay lacagaha uu Maamulka Gobolka ka qaado Iskuullada kuyaal Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka wasaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in ay Wasaaradda soo gaartay cabashooyin badan oo kaga yimid hoggaanka Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomaaliyeed, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Ururka macallimiinta, Ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa hormarinta adeegyada waxbarashada iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, taaas oo ku aadan qarashaad xad-dhaaf ah oo Maamulka Gobolka Banaadir ku soo rogay ardayda, iskuulada iyo adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada.
“Iyada oo la wada-ogsoon yahay duruufaha gaar ka ah ee ay la daalaadhacayeen iyo culayska ay arrinkaani ku sii kordhisay, sidoo kalana ay Madaxwaynaha JFS iyo Ra’iisul- Wasaaraha Xukuumada JFS, oo ay soo gaartay qayla-dhaantaan culayska wayn leh, waliba si gaar ah lagu kali yeelay waalidiinta ay carruurtoodu wax ku bartaan iskuuladda ku yaala Gobolka Banaadir, ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Cabdullahi Abuukar Haji uu soo saaray qodabada soo socda.