Galmudug oo u soo jawaabtay guddoomiyaha Ahlu Sunna

0
481

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmad Shire Falagle ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn in ay wadahadal la galaan Ahlu Sunna isla markaana Galmudug uu ka jiro maamul sharci ah.
Waxaa uu sheegay in dhallinyarada la qalday ay cafiynayaan.
“Anagu marka hore xiriir wadahadal ma aanay lahayn, hataana xiriir wadahadal ah ma lihin, dhallinyaro ku xaadgudubtay sharciga weeye, anagoo la hadlin bey cafis naga yihiin laakiin sida hadda warka loo dhigayo, wadahadal oo na dhexmaray, xabaddu kuma joogsanin haatan wadahadal aan sugeyno oo miiska noo saaran ma jiro” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmad Shire Falagle.
Hadalkan ayaa kusoo aadayaa xilli guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaacah uu markii ugu horraysay ka warbixiyay qaabkii ay ciidammadooda uga saareen magaalada Guriceel, isagoo sheegay inay doonayaan in wadahadal lagau xalliyo khilaafka taagan hasayeeshee illaa hadda aanay jirin cid la soo xiriirtay.
Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo wareysi gaar siiyay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa ku eedeeyay inay soo maleegeen dowlad goboleedka Galmudug iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya dagaalka dhawaan dhacay.
Dagaalkaas waxaa ku dhintay tobannaan qof, dad kale oo badanna ay ku dhaawacmeen halka kumannaan qofna ay guryahoodii ka qaxeen.
Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadooda ay haatan ku sugan yihiin meel u dhow magaalada Guriceel ayna magaalada uga baxeen codsi uga yimid dinacyo kala duwan.