Jaamacadda Garissa ayaa albaabada la isugu laabay ilaa muddo aan la cayimin ka dib markii gelinkii hore ee shalay uu dab ka kacay xaruntaasi.
Maamulka jaamacadda ayaa kulan ay yeesheen waxa ay ku amreen dhammaan ardayda wax ka barata goobtaasi inay guryahooda aadhaan.
Waxaa tani looga gol-leeyahay qiimeyn lagu sameynayo waxa sababay inuu dab ka kaco jaamacadda ay arday badan wax ka bartaan.