Shirakadda isgaarsiinta ee Safaaricom ayaa shaacisay in dhammaan adeegayda M-PESA ay hakad geli doonaan muddo saacado ah, laga bilaabo saqda dhexe ee caawa ilaa 4-ta aroornimo ee berri.
Ogaysiiis ay shirkaddu soo saartay maanta ayay ku sheegtay inay caqabaddaan saameyn doonto dhammaan macaamiisha adeegyada lacagaha telefoonnada la isugu gudbiyo iyo sidoo kale bangiyada.
Dhammaan adeegyada iyo iibsashada kaarka hawada la isugu gudbiyo ayaa macaamiisha shirkadda u shaqeyn doonin inta howsha dayactirka ah lagu guda jiro sida ay shirkaddu sheegtay.
Dayactirka ayaa lagu sheegay mid loogu buuxinaya baahiyaha macaamiisha shirkadda Safaricom.
Safaaricom ayaa macaamiisheeda ka raali gelisay muddadaas ay xanibaadda jiri doonto, waxayna sheegtay inay uga gol-leedahay sidii ay u fududeyn lahayd dhammaan adeegayda kala duwan ay bulshada siiso.