Jaamacadda Moi ee Eldoret oo dib loo furayo

0
429

Xarunta ugu wayn jaamacadda Moi ee magaalada Eldoret , ismaamulka Uasin Gishu, ayaa lagu wadaa in dib ay waxbarasahda u bilaabato maalinta Isniinta ee toddobaadka dambe, ka dib markii la xiray isbuuci hore.
Ku xigeenka guddoomiyaha jaamacadda Moi Prof. Isaac Kimengi, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in casharrada dib u bilaaban doonaan 8-da bishan.
Jaamacadda ayaa la xiray 27-kii bishii hore ka dib markii barayaasha iyo shaqaalaha kale ee xaruntaasi ay sameyeen shaqo joojin.
Waxay ka cabanayeen maamul xumo iyo in aan mushaaraad la siin, sidoo kalena aan dalacsiin loo sameynin.