Laamaha ammaanka ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay dhallinyaro gaysanayay dhaca teleefoonnada gacanta, iyadoo Muddooyinkii la soo dhaafay Cabasho wayn ka Imaanaysay dadwaynaha xaafadaha Boosaaso.
Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhallinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dhaqan xaafado ka tirsan Magaalada oo Maanta lagu soo bandhigay Saldhigga booliska ee Bartamaha Boosaaso.
Burcaddan ayaa xilliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u gaysanayeen dad shacab ah, waxaana saldhigga lagu soo bandhigay Moobeelo ay dad ka furteen iyo toorey ay wateen markaas.
Qaar kamid ah dhallinyaradaan ayaa waxay dhaawacyo u gaysteen dad shacabka oo hadda xaaladohooda Caafimaad lagu daweenaayo Magaaloyinka Muqdisho iyo dalka Itoobiya.
Qabashada raggan dhallinyarada u badan ayaa timid, ka dib markii Booliska ay gacan ka heleen shacabka xaafadaha kuwaas oo ka cabanayeen rag dhac u gaysanayay, iyadoona intaas ka dib ay howlgalo ay sameeyeen taliska Booliska Gobalka Bari.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan qabashadooda ay iska kaashadeen shacabka magaalada iyo ciidamada Booliska.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgallada raggan lagu soo qabqabtay ay si gaar ah uga dhaceen Xaafadaha oo maalmihii lasoo dhaafay dhac iyo dhaawacyo dad badan loogu gaystay Goobahaas.
Waxaa uu sheegay in dhallinyaradaan Maxkamad la soo taagi doono, isagoo uga digay ku howlan falkan in ay ka waantoobaan.