Isbahaysi ka dhan ah dowladda Itoobiya oo looga dhawaaqay dalka Mareykanka

0
398

Sagaal kooxood oo ka tirsan mucaaradka dalka Itoobiya oo ay ku jirta fallaagada TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray ayaa dalka Mareykanka ku saxiixday heshiis ay ku sameynayaan isbaheysi ka dhan ah ra’iisul wasaare Abiy Axmad.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Washington DC, ee caasimadda dalka Mareykanka ayaa isbaheysiga cusub ku sheegeen in ay qorsheynayaan in xukuumadda Abiy lagu burburiyo xoog ama wada xaajood, ka dibna la sameeyo maamul ku meel gaar ah.
Tani ayaa kusoo aadeyso ka dib markii dowladda Itoobiya ay ugu baaqday askartii hore inay ku biiraan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Tigreega iyo xulafadooda muddada sanadka ah.
Kooxda isbaheysatay ayaa waxaa ka mid ah ciidanka xoreynta Oromada oo hadda ka barbar dagaalamaya kuwa Tigreega iyo 7 kooxood oo kale oo ka kala yimid qaybaha dalkaasi.
Isbaheysigan ayaa la sameeyay iyadoo ergayga gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman uu ku sugan yahay caasimadda Addis Ababa, isagoo la kulmay madaxda sare ee dowladda iyadoo lagu baaqayo xabbad joojin degdeg ah iyo wadahadal lagu soo afjarayo dagaalka.
Mr. Feltman ayaa Khamiistii la kulmay ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirrada gaashaandhigga iyo maaliyadda.
Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee shalay, ayaa mar kale ku baaqay xabbad-joojin iyo wadahadal.
Waxaa uu ugu baaqay ciidamada Tigrayga iyo OLA inay si degdeg ah u joojiyaan ujeedka ay ku doonayaan in weerar ku qaadaan caasimadda Addis Ababa.
Wuxuu sidoo kale ku boorriyay dowladda Itoobiya inay joojiso ololaheeda militari, oo ay ku jiraan duullaanka cirka ee gobolka Tigray.