Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu muddo sagaal cisho ah uu ku sugnaa magaalada Dubai ee caasimadda dalka isutagga imaaraadka carabta ee UAE-da, halkaas oo uu kaga qayb galay shir heer sare ah oo looga hadlayay kaabayaasha dhaqaalaha ee Afrika.
Mr. Odinga, oo sidoo kale ah ergeyga sare ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, ayaa ka warbixiyay shirka wajiga labaad ee barnaamijka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Afrika kaas oo fulintiisa soconeyso 2021 ilaa 2030-ka.
Madaxa xisbiga ODM ayaa daneeyayaasha ugu baaqay inay horumariyaan kaabayaasha dhaqaale ee qaaradda Afrika.
Shirka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Afrika ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin heer sare ah iyo wasiirro ka kala socday kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, gaadiidka, isgaarsiinta, biyaha iyo shirkado si gaar ah loo leeyahay islamarkaana hormuud ka ah warshadaha kaabayaasha dhaqaalaha ee qaaradda.
Safarka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ee wadanka isutagga imaaraadka carabta ayaa waxa ku wehlinayay mudanaha laga soo doortay deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad, safiirka Kenya u fadhiya Imaaraadka carabta Kariuki Mugwe iyo mas’uuliyiin kale.