DHAGEYSO:Hirshabeelle oo sheegtay inay dib u fureen waddooyin muddo xirnaa

0
565

Ayadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay gaadiid badan ku xayirnaayeen wadada xiriirisa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya iyo degmada Jowhar ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ka dib saamayn ka dhalatay roobab xooggan oo halkaas ka da’ay ayay maamulka degmada Jowhar waxay sheegeen in wadadaasi hadda ay dib u fureen.
Guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar Cismaan Muqtaar Maxamad Baareey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay haatan gaadiidku wadadaasi isticmaali karaan ka dib markii ay dib u dayac tir ku meel gaar ah ku sameeyeen.