DHAGEYSO:Golaha wasiirada Soomaaliya oo xeerka ganacsiga Batroolka la horgaynayo

0
394

Wasaaradda Batroolka Xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan Golaha Wasiirada ay hor geyn doonto xeerka maamulka Ganacsiga Batroolka Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in Shidaalka hadda laga isticmaalo dalka Soomaaliya ay maamulaan Ganacsato, balse xilligii dowladdii hore Shidaalka laga maamuli jiray Wakaaladda Batroolka, sidaasina ay kuu qeybin jirtay.
Waxaa uu intaasi ku daray in Shidaalka Soomaaliya uu qiimo koror ku dhacay, taasina ay sabab u tahay qiimaha dollarka ee kacay & dalalka laga keeno oo uu aad qaali uga noqday.
Ugu dambeyn Agaasimaha guud ee wasaaradda bartaalka Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay inay sameeyeen Xeerka nidaamka Shidaalka dalka,sida Shatiga Shirkadaha ka Ganacsanaya, hubinta Shidaalka noocyadiisa kala duwan ayna xeerkaas dhamaan gaarsiiyeen Gamacsatada Shidaalka noocyadiisa kala duwan ee wadanka.

Dowladda Soomaaliyaa ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waday qorsho Shirkaddo ay dalka uga soo saaraan Shidaal, si dadka Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwo hela Shidaal qiimo jaban oo Bulshada ay ka helaan gudaha wadankooda.