Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ciidamo tababar u soo xiray

0
395

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayo gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed, Munaasabadaan oo ka dhacday dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa u mahad celiyay cid kasta oo kaalin ka geysatay tababrka iyo qalabaynta Ciidamada Soomaaliya, wuxuuna kula dardaarmay inay Bulshada Soomaaliyeed ugu adeegaan waxyaabihii la soo baray.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa darajooyin u xiray saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar, muwaasoo la filayo inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka iyo sugida Amniga doorashooyinka.
Dowladda Soomaaliya ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxay tababareeysay Ciidamo farabadan kuwaasoo howlgalo ay ka fuliyeen deegaano kala duwan AL-shabaabna kala wareegay deegaano badan.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ballan qaaday in Xarunta Barbaarinta Agoonta Booliska Soomaaliyeed lagu kordhinayo dugsi sare isagoo faray Wasaaradda Waxbarashada in howshaas u fuliso sida uga dhaqsiyaha badan.